War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in argagixisada Taliban ay weerarku qaadeen saldhig ay leeyihiin ciidanka cirka Bakistaan oo ku yaala magaalada xadka ah e Bishaawar. Maaha markii ugu horeysay oo argagixisadu weerarto xarumaha ciidamada siiba saldhigyada cirka ee ku yaala dalka taas oo ka farxinaysa cadowga Bakistaan leedahay ee Hindiya. Hindiya ayaa daawanaysa Bakistaan o burbureysa.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in toban nin ay galeen saldhiga markii ay dileen ilaaladii hore ee saldhiga waxana loo diray khuburo ku takhasusay la dagaalanka argagixisada ayuu yiri Asim Bajwa oo u hadla ciidanka xooga ee Bakistaan.
Jeneraalka ayaa sheegay in argagixisada ay gudaha u galee saldhiga loo yaqaano Badaber isla markaana ay xireen dhamaan meelihii laga bixi lahaa mase sheegin in ay waxyeelo u gaysteen diyaaradaha fasdhiya saldhiga oo ku yaala xadka Afganistaan.
Rashid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM
![55fb7b508482e[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/09/55fb7b508482e1-300x180.jpg)
![55fb7d97020a8[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/09/55fb7d97020a81-300x180.jpg)
![55fb82162269b[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/09/55fb82162269b1-300x180.jpg)
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay