Madaxweynaha Ruushka Putin ayaa caasimada Mosko ka furay masjid aad u balaaran waxana munaasabada ka qaybgalay madaxweynaha Turkiga Dayib Erdogan iyo kan Falastiin Maxmuud Cabaas. Ruushka ayaa aad u dhisay caasimada gobolka ay muslimiintu ku badan yihiin ee Jejniya kadib dagaal u la galay koox gooni goosad ah halkaana uu ka dhacay dagaal aad u foolxun iyo xasuuq.
Ruushka oo cadaadis dhaqaale ka haysto saaxiibdii reer Galbeedka ayaa raba in uu Muslimiinta diciifka ah xulafaysto. Masaajidada noocana ayaa ah meelaha uu ku sii jiidan karo.
Ruushka ayaa si weyn uga horeeya meelo badan sida sancada hubka wadamada reer Galbeedka iyo Maraykanka iyadoo dhinaca dayaxana faraha looga qaaday waqti hore…waxase inta badan uu ku dambeeyaa samcooyinka casriga sida teleefanada, telefishanad gacanta iyo kuwa ku shaqeeya nalka.
Goobta furitaanka masjidka ayaa waxa ka hadlay madaxweynaha Ruushka, kan Turkiga iyo kan gobolka Jejniya.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM
![put2[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/09/put21.jpg)
![put4[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/09/put41.jpg)
![put5[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/09/put51.jpg)
![put6[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/09/put61.jpg)
![put7[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/09/put71.jpg)
![put8[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/09/put81.jpg)
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay