November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Dawlada Maraykanka oo muwaadiniinteeda uga digtey u safrida Somaliya oo dhan

Wasaarada arimaha dibeda Maraykanka ayaa digniin ka soo saartey muwaadiniinteeda u safraya Somaliya ugana digtey inay u safraan Somaliya oo dhan maadaama aanay jirin safaarad ku taal dalka Somaliya.

Digniintan ayaa lagu sheegay in weli xaaladda amniga Soomaaliya uusan ahayn mid xasillan maadama ay weli weerarro soo qaadayaan ururrada argagixisada ayna damacsan yihiin in ay afduubaan ama ay dilaan dadka ajnabiga ah ee taga Soomaaliya, taasoo ay tilmaameen inay halis toos ah ku tahay muwaadiniinta Mareykanka.

Dhanka kale, waaxda arrimaha dibadda Marekanka ayaa ku boorisay maraakiibta caalamiga ah in aysan ku safrin biyaha Soomaaliya, iyadoo aanay la socon maraakiibta dagaalka ee caalamiga ah ee u jooga biyaha Soomaaliya si ay uga hor-tagaan halista burcad badeedda.

Mareykanka ayaa sidoo kale sanadkii hore ee 2014-kii digniin tan la mid ah ka soo saaray amniga dalka Soomaaliya ugana digay muwaadiniintiisa in ay ku safraan Soomaaliya.

mr

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM