November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Dood beri ka furmi doonta barlamaanka oo looga hadlayo mooshinka ka dhanka ah Xasan Sheekh

Guddoomiyaha Barlamaanka  Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta  sheegay in maalinta berito ah uu furmi doono wada xajood lagu xalinayo qodabadii ku xusna mooshinkii xubno ka tirsan baarlamaanka ay ka keeneen Madaxwaynaha dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud 12-ka August ee sanadkan.

Jawaari ayaa tilamamay in shirkaasi uu yahay mid muhiim ah isla markaana looga bahan yahay Xildhibaanadii keenay mooshinkaasi in ay ka soo qayb galaan, si looga xaajooda arinta mooshinka.

“Waxaan  guud ahaan  Ummadda Soomaaliyeed la wadaagayaa in maalinta beri ah oo ay tariiqdu ku began tahay 7 bisha Oktoobar  uu magalaada Muqdisho ka furmi doono shirka lagu dhamaynayo, isla markaana looga wada hadlayo  qobadadii ku xusnaa mooshinkii Madaxwayanaha ay ka keeneen xubno ka tirsan  golaha shacabak Soomaaliyeed, waxaan  ugu baaqayaa Mudanayaasha Baarlamaanka ee keenay mooshinka in ay ka soo qayb galaan shirkaasi oo furmi doona 11;00 barqonimo  xilliga magaaladda muqdisho”ayu yiri jawaari.

Dhanaca kale Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa magalaada Muqdisho  kulan gaar ah oo saacado badan qaatay kula yeeshay Ergeyga Dowladda Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, kaasi oo ay kaga wada hadleen   adkaynta xariirka soo jireenka ah ee  ka dhexeeya labada dal, is kaashi dhexmara Baarlamaanka Soomaaliya iyo kan Mareykanka ee loo yaqaano Congress.

Ergayga dowladda Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya  Mr David ayaa   xusay in dowladda Maraykanku ay soo dhawaynayso horumarka  wayn ee uu ku talaabsanayo dalka, isagoo  intaa ku daray in Mareykanku ay  taageerayso  wax kasta oo Soomaaliya u horseedki karo  horumar.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM