23/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

ARAG sawiro diyaaradii gabalku ka dhacay ee ku burburtey Afgooye laakiin khasaare ma jiraa!!!

Xalay fiidkii ayay ahayd markii diyaarad laga leeyahay Tristar oo xamuul ahayd una waday sida la sheegay ciidamada Afrika ee jooga Muqdisho ayaa gabalkii ka dhacay. Diyaarada ayaa cabaar dul heeheebaysay Muqdisho iyadoo raadinaysay dariiqo ay ku tagtey inkastoo dab loo shiday hadana markii shidaalkii ka dhamaaday ayay ku dhacday Afgooye.

Nasiib wanaag waxay ku dhacday goob ay ka taliyaan ciidamada dawlada iyo kuwa Amisom. Lama sheegin wax khasaare ah oo cid ka soo gaaray waxayna u egtahay in xataa xamuulkii ay waday uu badbaaday.

Fadeexad weyn ayay ku tahay madaarka Muqdisho oo nal la’aan awgeed ay diyaaradi ku degi waydo caasimadii dalka.

DSC07329[1] DSC07337[1] DSC07339[1] DSC07342[1] DSC07344[1] DSC07346[1] DSC07348[1] DSC07349[1] DSC07350[1] DSC07351[1] DSC07352[1] DSC073351[1]

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM