November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Warbixin laga soo saaray hargabka bariga dhexe oo lagu sheegay in Geelu aan fidin cudurka iyo Geel badan oo la qalay

Cudurka hargabka bariga dhexe ayaa faraha ba’an ku haya wadamada Khaliijka halkaas oo bilo kahor laga soo saaray warbixin siyaasadeysan oo lagu madnuucayo geela laga keenayo Somaliya iyadoo lagu sheegay in geelu faafiyo cudurka loogu magic daray hargabka bariga dhexe oo keena neefqabatow. Sucuudiga ayaa madnuucay geel farabadan oo loo dhoofin jiray dalkiisa cilmibaadhistaas siyaasadeysan awgeed.

Hadda cilmibaadhis ay soo saareen jaamacad ku taal Sucuudiga ayaa lagu sheegay in ayna jirin cadaynta ah in geelu masuul ka yahay cudurka hargabka bariga dhexe..waxayna ku baaqeen in aan la qalin geela laguna samayn kaarantiin ama takoorid.

Warbixintan ayaa keeni karta in Somalidu dib geela ugu dhoofiso dalalka carabta. Dhaqtarka hogaaminaya cilmibaadhistan ayaa sheegay in geelu wato dheecaano ka hortago cudurada qaar oo laga waayay dhiigiisa in uu sido cudurka hargabka bariga dhexe.

Wuxuu ku daray intaas in dadka la socda geela ama jira ee caba caanihiisa ay iyaguna nadiif ka yihiin cudurkaas oo aan lagu arag jirkooda.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM