Waxaa Magaalada Ankara ee Caasimadda dalka Turkiga ka furmay shir rasmi ah oo ay isugu yimaadeen Wufuud ka kala socotay maamul goboleedka Somaliland iyo Dowladda Federalka Soomaaliya, Turkiga iyo xubno ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Maamulka Hawada ee ICAO.
Shirkaasi oo ku saabsaanaa sidii xal waara looga gaadhi lahaa muranka ka taagan maamulka hawada Soomaaliya ee Somaliland rabto iney ka hesho saami madaxbanaan.
Somaliland waxeey iska iloowday sheekadii qiyaaliga ahaa iyo sharuudahii ay ku sheegi jirtay ineysan hor fariisan doonin wasiir ka soo jeeda Waqooyiga Somalia gaar ahaan Khaatumo, Awdal iyo Maakhir .
Shirka ayey dhincaydu ku falanqeeyeen sidii loo fulin lahaa heshiisyadii hore looga gaadhay arrintaasi, iyo sidii labada dhinac u wada maamuli lahaayeen hawada hasse yeeshee Dowladda Federalka Soomaaliya waxeey qaadacday qorshahii Maamulka Somaliland la soo shir tegtay.
Xubnaha Maamul goboleedka Somaliland.
1.Maxamuud Xaashi Cabdi, :Wasiirka Duulista iyo Hawada
2.Saciid Cabdi Maxamed : Wasiir ku xigeenka Duulista iyo Hawada
3.Saciid Mahdi Ileeye, : Agaasimaha Waaxda Duulista
4. Axmed Cumar Caga-dable, : La Taliye
Xubnaha Dawladda dhexe
1.Cali Axmed Jaamac (Gangali) Wasiirka Duulista iyo Gaadiidka
2.Cabdiwaaxid Cumar : Agaasimaha Duulista
3.Maxamed Khaliif : La Taliye
4.Axmed Cabdiraxmaan :Sarkaal Hay’adda Duulista
Xubnaha Hawada ICAO
1.Ivan Galan : Agaasimaha xafiiska farsamada iyo iskuxidhka
2.Nancy Onyedim : Sarkaal ka tirsan Waaxda Hawl galinta
Dawladda Turkiga
1. Olgan Baker : Safiirka Turkiga ee SNM iyo Dowladda Soomaaliya
2. Kareem Yilmaz : Xoghaya koowaad ee Wasaaradaa Arrimaha dibada
3. Hulusi Kilic : Agaasimaha bariga Afrika
4. Ahmed Riza Demirer : Ergayga gaarka ah ee wadahalada SNM iyo Dowladda Soomaaliya
5. Seval Ince : Air Traffic Controller
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS.COM
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay