Marka aad eegto shabakadaha Somalida ee soo xigta wararka Yuhuudu faafiso waxaad is oranaysaa caqligii xaguu ka maray. Muslimiin burburiya goobo cibaado oo saxa waxa la hayaa argagixisada Daacish oo burburiyay qabriyadii nabiyada waxaadse is waydiin kartaa Muslimiin sida Falastiiniyiinta la dagaalamaya Yuhuuda ma gubi karaan mid ka mida nabiyada Alle qabrigiisa iyadoo diintoodu farayso qofkii aan rumeyn in aanu diinta Alle rumeyn.
Falastiiniyiinta ayaa beeniyay in uu jiro qabri Nabi Yuusuf ah oo halkaa ku aasan goobtuse ay tahay goob Yuhuudu caabudo inkastoo diiniyan ay aqalad tahay goob cibaado waxay doontaba ha ahaatee in la weeraro oo diinteenu ina farayso taasna waxa tusaale u ah in qarniyo ay dhisnaayeen taariikhda duugan ee Siiriya iyo Ciraaq ilaa intii argagixisada Daacish timi oo ay dhulka la sintey dhul diimo kale ah oo nabiyadii Alle soo direy garab mareen.
Talo waxaan u dirayaa saxaafada Somalida ee inta badan qoraan dad khibradoodu yartahay oo iska dhaafaan warka ay ka koobigaraynayaan saxaafadaha Yuhuuda oo reer galbeedka haysata.
Mar labaad Muslimiin gubta xadaarado dadka kale leeyihiin waxa lagu yaqaan argagixisada Daacish, Shabaab, Boko Xaram iyo kuwo KALE EE KU QARAABTA DIINTEENA SUUBAN.
Sawirka hoose waa goobta la sheegayo in ay tahay qabrigii nabi Yuusuf waana loo jeedaa in ay maran tahay oo kaliya tahay goob Yuhuudu aaminsan tahay in nabi Yuusuf lagu duubey.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay