23/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Waligaa ma aragtey magaalo argagixiso gashay oo si fudud looga saaray : ARAG sababta

Argagixisada Daacish ama ISIL iyo kuwa kale ee ka dagaalamaya Siiriya ayaa hoy ka dhigta magaalooyin degan waxana adkaata sida looga saaro. Marka hore waxay qixiyaan dadka ku nool magaaladaasi kadibna waxay dhufeys ka dhigtaan guryihii dadku ka qaxeen halkaana waxay ku xidid siibaan nolol soo taxnayd qarniyo iyadoo dadkii deganaa oo Muslimiina ay rafaad ku nool yihiin.

Magaaooyinka Ciraaq iyo Siiriya dhamaan way burbureen waayo markasta oo argagixisadu gasho magaalo waxa la isku dayaa in dibeda laga garaaco waxayse qotaan guryihii dadka ay qixiyeen iyagoo ku nool in ay dhiiga iyo hantida dadka Muslimka ah daadiyaan isla markaana burburiyaan.

Dhinaca kale marka argagixisadu soo weerarto magaalo ay joogaan ciidanka dawladu waxa dhacda in ciidanku baneeyo magaalada si burbur aanu u iman. Hoos waa muuqaal ka mida magaalooyinka Siiriya ee argagixisada laga xoreeyay laakiin aad arki doontaan sida ay dhufeys uga dhigteen guri kasta.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM