November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Argagixisada Yaman oo 30 boolis tababar loo soo xidhay ah ku dishay qarax

_80102818_025303332[1]Sanca 07 Jan 2015–Kooxasha xalaalashaday dhiiga Muslimiinta ee argagixisada caalamiga ah ayaa qarax ku dilay in ka badan 30 booliis loo soo xidhayay tababar caasimada Yaman ee Sanca. Booliiskan ayaa laga keenay Yaman oo dhan waxayna isku diyaarinayeen inay shahaadada qaataan maadaama ay muddo ku xeraynaayeen xarunta tababarka waxayna la eegteen xilliga la soo xidhayay.

Argagixisada caalamiga ah ee magacyada badan sida Shabaab, ISIL, Boko xaraam, Talibaan iyo kuwo kale oo badan ayaa xalaashaday dhiiga muslimiinta mana sheegtaan qaraxyada noocana.

Yaman ayaa qarka u saaran inay burburto argagixisadana u noqoto xarun ay ka duulaan waxana hadda ilaaliya amaanka dalka ciidamada shiicada ah ee ka yimi Galbeedka Yaman.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS