November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Qaybta dambe ee diyaaradii Indooniisiya ee dhacday oo la helay maxaase laga filayaa

Indooniisya 07 Jan 2015–Qaybta dambe ee diyaaradii dhacday ee Indooniisiya oo laga helay meel u jirta sodon km meeshii ay ku dhacday taas oo la rumaysan yahay in mowjadaha baddu ay riixdey. Ilaa 40 qof oo kaliya ayaa ilaa hadda la helay iyadoo ay diyaarada saarnaayeen 162 qof oo ay ku jiraan caruur.

Khuburada baadhaysa ayaa sheegtay in qaybtan dambe ay ku Jiri karaan dad badan iyo waliba sanduuqa madow ee kaydiya isgaarsiinta diyaarada iyo codadka bayloodada.

Waxayse meesha ka saareen in ay helaan dad nool iyagoo aaminsan in hadda maydka dadku u degay maadaama uu muddo ku jiray biyaha dushooda.

Hawada oo xun awgeed ayaan u suurtagelin inay baadhitaan iyo quusid badan la sameeyo waxana la rajaynayaa in qaybtan dambe ee diyaarada oo ay ka muuqdaan magacii diyaaradu ay soo saaraan.

_80103115_025304013-1[1]

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS