Dhaqaatiirta Sucuudiga ayaa ka digaya in haweenka Sucuudiga ay ku yartahay Fitamin D oo laga helo cadceeda inkastoo dalka ayna ku yarayn cadceedu. Dhaqaatiirta ayaa u sheegay haweenka in ay kordhiyaan qaadashada Fitamin D oo si dabiici looga helo cadceeda ama ay cunaan cuntooyinka ay ku badan yihiin Fitamin D sida Kaluunka.
Walaaca dhaqaatiirta ayaa soo baxaya iyadoo haweenka Sucuudiga iyo kuwa carabta Khaliijka aan loo ogolayn waxyaabo badan oo ay xaq u leedahay cidna uga daba fadhiisan sida xoriyada socodka oo hadda aan loo ogolayn taas oo dhaqan u ah carabta Sucuudiga.
Dhaqtar ka shaqeeya jaamacada Makkah ayaa sheegay in haween badan ayna ogeyn khatarta uu keeni karo Fitamin D oo la yaraada jirka qofka uuna keeno xanuuno badan nsida uu sheegay.
Waaxda hakinta cudurada ee Maraykanka ayaa iyaguna sheegay in sadexdii qof hal qof uu halis ugu jiro in uu ka yaraado Fitamin D.
Dhaqtarka ayaa sheegay in haweenku qaataan ilaa 10 ama 15 daqiiqo oo qoraxda subaxii ah ama inta ayna qoraxdu dhicin.
ARAABINEWS.COM
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay