23/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

War Deg Dega: Geesiyada Kurdiyiinta oo argagixisada Daacish ka xoreeyay magaalada Sinjar ee Woqooyiga Ciraaq

War hadda soo dhacay ayaa lagu xaqiijay in argagixisada Daacish laga xoreeyay magaalada Sinjar oo argagixisadu qabsatay sanad hore kadibna qixiyeen dadkii deganaa magaalada qarniyo. Dadkaas ayaa galay buuraha u dhow magaalada ilaa markii dambe ay u soo gurmadeen geesiyaasha Kurdiyiinta oo diidey in argagixisadu soo gasho dhulkooda.

Kurdiyiinta oo caawimo ka helaya diyaaradaha Maraykanka ayaa xaqiijiyay saaka magaalada iyadoo shalay magaaladu u muuqatay indhaha Kurdiyiinta.

Kurdiyiinta ayaa xoreeyay magaalooyin badan inkastoo tani ka cadhaysiinayso Sucuudiga iyo Turkiga oo taageero weyn siiya Daacish.

Rashid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM