Madaxweynaha Puntland Cabduwelli Gaas ayaa si rasmiya Garoowe uga furey shirka wadatashiga 2016 oo uu shalay ku dhawaaqay Xasan Sheekh. Shirkan ayaan la garanayn waxa ka soo bixi doona iyadoo la ogyahay mowqifyada is diidan ee Muqdisho iyo Garoowe iyo Kismaayo.
Wadatashigaan qaran oo maanta ka bilowday lix degmo oo katirsan Puntland ayaa laga qeyb galiyay 600 argooyin ah oo lagasoo xulay dhamaan gobolada Puntland, waxaana halkii degmo matalaya 100 ergo.
Guddiga wadatashiga heerka qaran ee Puntland uga wakiilka ah dowladda federalka Soomaaliya ayaa sheegay wadatashigaan inuu ku saleysan yahay sidii Puntland iyo shacabkeeda oo isku duuban ugudbin lahaayeen nuuca doorasho oo ay doonayaan 2016.
Wasiirka deegaanka Puntland ahna gudoomiyaha guddiga Puntland umatalaya madasha xeerka qaran ee Soomaaliya Cali Cabdullaahi Warsame ayaa sheegay wadashigaan inuu dabo socdo shirar horey uga dhacay Muqdisho oo looga arrinsayay nuuca doorasho ee 2016, kadib markii dowladda federalku ku fashilantay inay ka dhabeyso balanqaadkeedii ahaa doorasho dadweyne oo qof iyo codkiisa ah.
Wasiirka deegaanka waxaa uu sheegay ergadaan in la isugu keenay sidii ay uga tashan lahaayeen nuuca doorasho oo ay Puntland la hortagayso madasha heerka qaran. wuxuuna balanqaaday midkii ay doortaan ergadu inay la hortagidoonaan Soomaaliya.
Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali oo furay shirkaan ayaa ku booriyay ergada wadatashiga inay si qoto dheer uga doodaan nuuca doorasho oo ay doonayaan, wuxuuna xasuusiyay inay iyagu leeyihiin go’aanka masiirka Puntland ee ay la horagayso Soomaaliya.
Madaxweyne Gaas ayaa ka hadlay nidaamka 4.5, wuxuuuna sheegay inuu yahay dhibaatada Soomaaliya ee maanta haysata, laakiin madaxweynuhu wuxuu sheegay inaysan dowladda Puntland marnaba ku qasbayn ergadu inay sida ay doonayaan u codeeyaan.
“Ilaa iyo 2000 waxaan ku soo dhaqmaynay nidaam aan u arko in uusan dhabta ku salaysnayn balse xal loo arkay. Anigu dadka reer Puntland habkaas ha u codeynina idin dhihi mahayo, laakiin idinka ayaa laydinka rabaa In aad ka doodaaan midka saxda idiinla muuqdana aad qaadataan .
![DSC06599[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/11/DSC065991.jpg)
![DSC06600[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/11/DSC066001.jpg)
![DSC06602[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/11/DSC066021-300x200.jpg)
![DSC06605[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/11/DSC066051.jpg)
![DSC06606[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/11/DSC066061.jpg)
![DSC06610[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/11/DSC066101.jpg)
![DSC06618[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/11/DSC066181.jpg)
![DSC06622[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/11/DSC066221.jpg)
![DSC06633[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/11/DSC066331.jpg)
![DSC06639[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/11/DSC066391.jpg)
![DSC06646[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/11/DSC066461.jpg)
![DSC06649[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/11/DSC066491.jpg)
![DSC06652[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/11/DSC066521.jpg)
![DSC06657[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/11/DSC066571.jpg)
![DSC06670[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/11/DSC066701.jpg)
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay