23/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Dawlada Turkiga oo ku talo jirta in ay soo afjarto wadahadalado u dhaxayn jiray Xasan Sheekh iyo Siilaanyo

Dawlada Turkiga oo lagu martigelisa wadahadalada istuska ah ee u dhexeeya Xasan Sheekh iyo Siilaanyo inta badana lagu sheego ”Somaliya iyo Somaliland” isla markaana maamulka Siilaanyo jecelyahay in uu tuso aduunka in uu yahay gobol go’ay ayaa hadda dawlada Turkigu qorsheynaysaa in laga dhigo mid u dhexeeya madax dhaqameedyada.

Sida ay qortey wargeys ku dhow maamulka Siilaanyo wuxuu sheegay in sida kaliya ee lagu soo celin karo wadahadal saxa uu yahay in uu u dhexeeya odayada dhaqanka.

dawladda Turkiga ayaa Muqdisho iyo Hargeysa u soo diraysa saraakiil ka socda wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga oo labadan magaalo kulamo kula yeelan doono qaar ka mid ah madaxdhaqameedka Somaliland iyo Somaliya oo kala hadli doono sidii loo bilaabi lahaa wada hadaladii labada dawladood ee in loo bedelo dhinaca madaxda dhaqanka maadaama oo ay labada dawladood ku guulaysan waayeen inay gaadhaan wax isfaham ah kulamo badan oo ay Turkiga ku yeesheen.

Qorshahan ayaa u muuqda mid ay dawladda Turkigu doonayso inay dhinac kale uga wareegto wada hadaladii siyaasiga ahaa oo u muuqda inay ka weyday wixii ay ka filaysay, waxaana suurtogal ah inay doonayso inay wada hadalada u rarto jiho kale.  Qorshahan ayaa haddii uu hirgalo wuxuu halis ku noqon karaa dhinaca Somaliland oo meel adag ka taagan natiijada uu Turkigu doonayo inay ka soo baxdo wada hadalada.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS.COM