Madaxweynaha Ruushka ayaa si adag uga hadlay diyaarad ciidankiisu leeyihiin oo ay soo rideen Turkigu. Turkiga ayaa rabay in uu colaad la galo Ruushka isagoo taageera argagixisada Daacish ee sababtey malaayiin reer Siiriya ah in u soo qaxaan dalkiisa. Maraykanka iyo Ruushka ayaa iyagu heshiis ka gaaray in aan midba kan kale diyaaradihiisa soo ridin. Waxase muuqata in ay adeegsadeen akhwaanka Erdogan oo dalkiisa colaad ula furay Ruushka.
Madaxweynaha Ruushka ayaa shacabkiisa uga digey in ay u safraan Turkiga kuna tilmaamey Turkiga in duur u galeen taageerida Daacish oo qixiyay malaayiin qof guryahoodiina hadda ka dhigtey dhufeys.
Ruushka oo taageera madaxweynaha sharciga ah ee Suuriya ayaa weeraro ku qaaday dhiigmiiratada Daacish iyo kuwa ay taageeraan Sucuudiga, Turkiga iyo Qadar. Ruushka ayaa balan qaaday aargoosasho mase sheegin talaabada xigta ee uu qaadi doono. Wuxuuna awoodaa baqdin la’aan in uu edbiyo Erdogan oo soo riday diyaarad aan weerar ku ahayn dalkiisa.
Maraykanka oo isagu aan rabin in ay isku dhacaan Ruushka ayaa hore ugu sheegay Erdogaan in uu soo rido diyaaradaha dagaalka. Maraykanka iyo carabta Sucuudiga, Qadar iyo Turkiga oo aan waxba u qaban shacabka Siiriya ee qaxay ayaa raba in ay Suuriya u dhameeyaan dalkana gacanta u galiyaan argagixisada Daacish oo iyagu aan taageerin sheekada qaraxday ee Sunni iyo Shiico.
Waxase hadda muuqata in Maraykanka iyo reer galbeedku heleen daaqad ay ku kiciyaan muslimiinta intooda aan waxba fahmeyn sidaasna weerar aan toos ahayn ugu qaadaan Ruushka.
Waxase cadaaatay doqonimada akhwaanka Erdogan uu geliyay dalkiisa waase la eegaa halka ay gaarsiiso taageerada uu siiyo argagixisada Daacish iyo colaada uu galay dalkiisa ka soo kabanaya burbur dhaqaale.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay