Subaxnimadii maanta oo Sabti ah ayaa wefdi uu hoggaaminaayo Madaxweynaha Puntland quraac loogu sameeyey dhanka Koonfureed ee magaalada Gaalkacyo halkaas oo hoostagta maamulka Galmudug.
Quraacda waxaa ka qayb-galay wefdigii dhex-dhexaadinta ee Dowladda Federaalka ah iyo maamulka Jubaland. Markii wefdiga Puntland iyo dhex-dhexaadiyaashu soo gaareen halkii casunmaadda lagu diyaariyey oo ahayd Hotel Five Star, waxaa Madaxweynaha maamulka Puntland qoorta loo sudhay UBAX SHARAFEED.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo subaxnimadii maanta (Sabti) la kala fogeeyey ciidamadii dirirtu dhex martey isla markaana waxaa labada dhinac ku muujinayaan sida ay uga go’an tahay heshiiska ay wada gaareen in la dhaqan geliyo.
Labada dhinac ayaa saxaafadda la hadley waxaana dhinac kasta sheegay in wixii dhacay ay ahayeen wax xun isla markaana wixii hadda ka danbeeya heshiis iyo wada noolaansho loo gudbaayo. Waxaa lagu wadaa isla maanta in lagu wada qadeeyo dhanka Puntland kadib socod lagu maro qaybo ka mid ah
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS.COM
![14[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/12/141-300x169.jpg)
![22[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/12/221-300x169.jpg)
![41[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/12/411-300x169.jpg)
![51[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/12/511-300x169.jpg)
![31[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/12/311-300x169.jpg)
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay