23/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Argagixisada Talibaan oo isqarxin ku weerartey xaafad safaaradaha degan yihiin caasimada Kabul

Argagixisada Talibaan ee dalkaasi burburey ee Afganistaan ayaa isku qarxiyay xaafad ay safaaradaha degan yihiin oo ku taal caasimada Kabul waxana sidaas sheegay madaxa booliiska ee Kabul wuuse diidey in uu faahfaahin bixiyo. Argagixisada Talibaan ayaa weeraro lagu barakiciyo dadka iyo duunyada ka wada Afganistaan.

Warar hordhaca ayaa sheegayay in ay tahay safaarada Spain waxa taasi beeniyay raiisal wasaaraha Spain oo sheegay kaliya in hal askari ka dhaawacmey.

Wararkale ayaa sheegaya in argagixisadu gudaha u galeen xaafadan ay safaaraduhu degan yihiin halka warar kalana sheegayaan in laga raadinayo wadooyin soo gala xaafad ay safaaraduhu degan yihiin.

Wariye xora oo ku sugan Kabul ayaa sheegay in uu arkay safiir madaxa la dhacaya gaadhi isagoo ay ka muuqato murugo..waxa warar kale sheegayaan in argagixisadu gubtey gawaadhi ku dhex jirey safaarada.

Ilaa hadda ma cada in ay qabteen diplomaasiyiin. Talibaan ayaa laba bilood kahor barakiciyay dadweynaha ku nool magaalada Kundus ee bariga Afgaanistaan kadib weerar dhicisoobey oo ay ku qaadeen magaalada.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM