Degmada Jowhar ayaa waxaa ku yaal dhul ballaaran oo ku habboon beerista bariiska haddii loo helo dhaqaale lagu beerto. Haddaba mid ka mid ah Iskaashatooyin ka jira degmada Jowhar oo la magac baxday iskaashatada beeralayda Naciim ee deeganka Bayaxow degmada Jowhar ayaa soo bandhigtay beer 50 hekter ah oo ay ku abuureen dalagga bariiska.
Guddoomiyaha degmada Jowhar C/dir Cabdulle Buurfuule iyo mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen guddoomiye ku xigeenkii hore ee gooblka Sh/dhexe Cali Cismaan Ibraahin,guddoomiyaha iskaashooyinka gobolka Sh/dhexe Cisman Nuur Ibraahin, guddoomiye kuxigeenka iskaashatooyinka gobolka Cabdulaahi Macalin Xuseen (Biis) guddoomiyaha iskaashatada degmada JowharAxmed Tifow Gacal xoghayaha iskaashatada degmada Jowhar C/qani Xaaji Muxumad kale iyo mas’uuliyiin kale ayaa booqday beerta bariiska ee deegaanka Bayaxow waxayna halkaas kula kulmeen beeralayda ku bahowday iskaashatada beeralayda Naciim kuwaasoo iska kaashaday tacabka bariiska oo sanooyinkii la soo dhaafay uu hoos u dhac ka jirey beeritaankiisa.
Guddoomiyaha iskaashatada Naciim Axmed Qaasim Xasan oo ka warbixiyay qaabka ay u beereen beerta ayaa sheegay in ay xubnaha iskaashatada ay lacago ay iska soo ururiyeen ay ku abuureen bariiska ayan haatan marayso heer wanaagsan balse ay u baahan yihiin kaalmo inta ka hartay soo jarista beerta.
Guddoomiyaha iskaashatada Naciim ayaa ugu baaqay maamulka degmada Jowhar iyo kan gobolka Sh/dhexe iyo hay’adaha samafalka inay ka caawiyaan qodista kanaal,matoor,daawo iyo fatahaada siimowga ah si iskaashatada ay sare ugu qaado beerista bariiska.
Guddoomiyaha degmada Jowhar C/dir Cabdulle Buurfuule oo ka hadlay munaasabadan ayaa u mahadceliyay iskaashatada Naciim sida ay ugu dadaashay in ay dib u soo nooleyso tacabka beerista bariiska isagoo ku tilmaamay iskaashatada waxqabadkeedu inuu yahay mid kudayasho mudan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS.COM
![beiiak-JOQHe-4[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/12/beiiak-JOQHe-41.jpg)
![beiiak-JOQHe-6[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/12/beiiak-JOQHe-61.jpg)
![beiiak-JOQHe-8[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/12/beiiak-JOQHe-81.jpg)
![beiiak-JOQHe-9[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/12/beiiak-JOQHe-91.jpg)
![beiiak-JOQHe-2[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/12/beiiak-JOQHe-21.jpg)
![beiiak-JOQHe-10[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/12/beiiak-JOQHe-101.jpg)
![beiiak-JOQHe-9[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/12/beiiak-JOQHe-911.jpg)
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay