Sucuudiga ayaa war saxaafadeed ku sheegay in uu samaystey xulafo la dagaalanta argagixisada inkastoo dadka badankiisu ku wareersan yihiin cida uu ku sheegayo argagixiso maadaama Sucuudigu aabo u yahay argagixisada caalamka oo fuliya urur diimeedkiisa uu ku maamulo DALKA.
Sucuudiga ayaa burburiyay dalalka Suuriya iyo Ciraaq kadib markii uu la saftey reer galbeedka weerarkii xukunka looga tuurey madaxweynihii Ciraaq ee Sadaam Xuseen taas oo xukunka keentay Shiicada uu hadda dagaalka gaarka ah kula jiro.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay wadamada Masar, Bakistaan, Malaysiya, Turkiga, Qadar iyo carabta Khaliijka, iyo dalal Afrikaana oo fiqiira in ay kula jiraan xulafada Sucuudigu u sheegay.
War murtiyeedka ayaa lagu sheegay in lala dagaalami doono Daacish balse ay ku jirayaan argagixiso oo ka dhan taas oo uu ula jeedo Iiraan.
Sucuudiga ayaa xulafo raba si uu u sii wado xasuuqa uu ku hayo Yaman isagoo adeegsanaya sheekada Sunni iyo Shiico oo aan diinteena sal iyo raad ku lahayn.
Urur diimeedka Sucuudiga ee Salafi iyo Daacish, Shabaab, Boko Xaraam ayaa dhamaanteed meel uga soo wada jeeda Shiicada diintana ka fogeeya halka qaarkood ka saareen.
Wali wax wara kama soo bixin wadamada uu Sucuudigu sheegtay oo qaarkood hore u diideen in ay ka qaybgalaan sida Bakistaan oo sheegtay in ayna rabin in dhiig muslimiina laysku xulafaysto.
Sucuudiga ayaa waxa hubka siiya Yuhuuda iyo Maraykanka iyakii ayaa hadda ka walwalsan masaakiinta iyo dugsiyada, iyo goobaha dhaqaalaha Yaman oo hubkoodii lagu weeraray.
Dadka badankiisa ayaa og in uu xulafadan ku khuukhinayo Iiraan oo aan ku jirin xulafada uu sheegtay. Sucuudiga ayaa xulafo u samaysanaya Muslimiin sida Iiraan halka uu Yuhuuda u samaysan lahaa.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay