Wasiirka gaashaandhiga Somaliya ayaa booqdey goob u dhow dekeda magaalada halkaas oo ciidanka Amisom rasaas ku fureen kaluumaysato Somali iyagoo ka baqdin qaba in ay yihiin argagixisada shabaab.
Wasiirka ayaa kormeer ku sameeyey saddex doomood oo ay leeyihiin Kaluumeysatada kuwaas oo ka muuqdeen rasaas, wuxuna sheegay Wasiirku in guddi baaritaan ku sameeya loo saaray. Isagoo dhinaca kale uga digay Kaluumeysatada Soomaaliyeed in ay xiliyada habeenkii ah ku dhawaadaan garoonka iyo Dekadda Muqdisho kuwaasi oo dhibaato ka soo gaari karto.
“Waxaan u saarnay dhacdadan guddi baaritaan ku sameeya qaabka ay wax u dhaceen iyo khasaaraha soo gaaray kalumeysatada. Waxaan uga digeynaa Kaluumeysatada ka shaqaysa Muqdisho in ay u dhawaadaan goobaha ay Ciidamaddu dagan yihiin sida Garoonka iyo Dekadda ” ayuu yiri Wasiir Diini.
Wasiir Diini ayaa tilmaamay in laga doonayo cid walba oo kaluumeysi u aadeysa xiliyada habeenkii ah Xeebaha Muqdisho in ay wargeliyaan Ciidamadda Badda iyo Boolis si loola socdo haddii ay la kulmaan khatar dhinaca ammaanka ah si gurmadna loogu fidyo.
C/llaai Warmooge
ARAABINEWS
![muq2[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/12/muq21-300x222.jpg)
![muq4[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/12/muq41-300x200.jpg)
![muq2[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/12/muq21.jpg)
![muq4[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/12/muq41.jpg)
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay