Shacabka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug dhinaca Puntland ayaa maanta iskugu soo baxaya dibadbax ballaaran oo ay ku diidan yihiin nidaamka fashilka ah ee 4.5, waxaana magaalada laga dareemayaa dhaq dhaqaaq shacabku wadaan, iyadoo waddooyinka ay isugu baxayaan amaankooda la adkeeyay..
Banaanbaxa ayaa bulshadu goordhawayd iskugu soo bixi doontaa fagaare ku yaalla bartamaha magaalada Gaalkacyo, halkaas oo lagu wado in waxgaradka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ay hadallo ka jeediyaan.
Dadku waxay diidan yihiin Nidaamka 4.5 ee Dowladda Muqdisho iyo Maamulada Galmudug iyo Koonfurt Galbeed ay wataan, halka Puntland iyo Jubbaland ay shacabku ku taageerayaan mowqifkooda ah in doorashada 2016-ka.
Lama garankaro sida looga gudbayo 4.5 oo qabiilada qaar ku naaxsan yihiin lamase oga beesha DIR halka ay raacsan tahay.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS.COM
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay