Madaxweynaha Ruushka oo aan wali cafin Turkiga diyaaradii ay ka soo rideen ayaa ku tilmaamey madaxda Turkiga ee hadda kuwa meelo ka leefa Maraykanka kuna eedeeyay in ayna garanayn dantooda.
Putin oo ka jawaabayay suaalo ku saabsan dhaqaalaha dalkiisa ayaa sheegay in aanu Turkiga ka cafin doonin fal dambiyeedka ay galeen. Turkiga ayaa diidey in uu bixiyo mag sidaana lagu dhameeyo arinta.
Madaxweynaha Ruushka ayaa sheegay in markii hore diyaaradaha Turkigu iman jireen oo duqeyn jireen Siiriya wuxuuse ku hanjabey bal hadda ha yimaadaan. Ruushka ayaa geeyay hubkiisa ugu casrisanaa ee difaaca cirka dalka Siiriya waxana hubaala in ay soo ridi doonaan diyaaradii lagu arko hawada Siiriya.
Siiriya oo ahaa dal ku Jira dunida labaad ayaa hadda ku soo noqdey dunida sadexaad oo dadkiisii noqdeen qoxooti ay guryahooda ka soo saareen XULAFADA Sucuudiga, Turkiga, Maraykanka, Yuhuuda iyo Qadar iyagoo hubeeyay argagixisada Daacish.
Madaxweynaha Ruushka ayaa diidey in uu wax horumara ka sameeyo dhinaca isku dhawaanshaha iyaga iyo Turkiga kuna tilmaamey ERDOGAN mid ka leexday wadadii Ataturk.
Ruushka ayaa hadda sugaya fursad uu ku garaaco Turkiga iyadoo aan ognahay in ururka Turkigu ku jiro ee Naato uu iska fogeeyay duqeynta Turkigu sameeyay oo macnaheedu yahay in Naato dagaal kula jirin Ruushka.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay