19/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Sweden oo ka dhabaysay xanibaado u dhexeeya iyaga iyo dalka ay jaarka yihiin ee Denmaak

Sweden ayaa soo rogtey xanibaado ama baro ilaalo oo lagu eegayo dadka soo galaya dalkeeda kana soo galaya dhinaca Denmaak. Dawlada ayaa sheegtay in talaabadani muhiim u tahay amniga dalkeeda iyo waliba in ay ogaato cida soo galaysa.

Ujeedada ugu weyn ayaa ah in ay joojiso qoxootiga ka imanaya dalalka Siiriya, Ciraaq iyo Afgaanistaan oo hadda noqdey dalalka dadkoodu si aada u yimaadeen wadamada degan ee la isku yiraa Iskandaneefiya.

Buundada caanka ah ee ugu dheer Yurub una dhaxaysa labada dal ee Sweden iyo Denmaak ayaa waxa afaafkeeda hore joogsanaya ciidamo ka tirsan wasaarada amniga ee Sweden kuwaas oo eegi doona sharciyada dadka Denmaak ka soo galaya Sweden.

Barahan cusub ee xanibaadeed ayaa dhib ku keeni doona dhamaan dadkii hore ugu kala gooshi jirey labada dal oo ay ku jireen qoxootiga Somalida.

_87336665_oresund[1]

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS