Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh ayaa xalay xarunta madaxtooyada maamulka Puntland ee magaalada Boosaaso kaga qaygalay Xaflad lagu xusayey sanadguuradii labaad ee kasoo wareegtay markii uu talada Puntland la wareegay Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas 08 January 2014 oo xalay laga joogay labo sano.
Waxaana munaasibadda ka qaybgalay madaxda ugu sarsaraysa dowladda Puntland ee madaxweyne C/weli Gaas, madaxweyne ku xigeen C/xakiin Camey, guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland Axmed Cali Xaashi, iyo wafuud kala duwan oo maalin ka hor boosaaso u yimid ka qaybgalka furitaankii garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Boosaaso.
Sidoo kale xafladda waxaa ka qaybgalay madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sh Maxamuud, xubno ka kala tirsan goleyaasha dowladda federaalka ah, safiirro, diblomaasiyiin,Siyaasiyiin, ra’iisul wasaareyaashii hore ee Soomaaliya Proff. Cali Maxamed Geeddi iyo Proff. C/weli Sh Axmed, Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Dr C/raxmaan Faroole iyo dadweyne aad u fara badan.
Intii munaasabaddu socotey ayaa waxaa lagu soo bandhigay Heeso iyo Riwaayado wacyigelin ah oo ku saabsan mustaqbalka dalka Soomaaliya gaar ahaan horumarada kala duwan ee Puntland ka samaysay dhinacyada kaabayaasha dhaqaala iyo siyaasadda.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in dawladda Puntland oo caawa labo sano jirsatey ay ku tallaabsatay labadii sano ee ay soo shaqaynaysey guulo la taabankaro hadday ahaan lahay dhinacyada kaabayaasha kala duwan ee dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo siyaasadda intaba.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
![IMG_6750[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/01/IMG_67501.jpg)
![IMG_6765[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/01/IMG_67651.jpg)
![IMG_6792[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/01/IMG_67921.jpg)
![IMG_6887[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/01/IMG_68871.jpg)
![IMG_6902[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/01/IMG_69021.jpg)
![IMG_6933[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/01/IMG_69331.jpg)
![IMG_6953[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/01/IMG_69531.jpg)
![IMG_6954[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/01/IMG_69541.jpg)
![IMG_7059[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/01/IMG_70591.jpg)
![IMG_7097[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/01/IMG_70971.jpg)
![IMG_7143[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/01/IMG_71431.jpg)
![IMG_7164[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/01/IMG_71641.jpg)
![IMG_7306[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/01/IMG_73061.jpg)
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay