Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa magaalada Burco soo gaadhay maanta waxaana lagu soo dhaweeyey meeqaam aad u hoseeya oo aan dadka reer burco ku qaabileen waji fiican iyo sidii looga bartay ee xamaasada lahayd.
Soo dhawaynta Muuse Biixi ayaa noqotay mid dhicisoowday oo qarash badan Iyo hantidii Umadu ku baxeen waxaana markii la waayey dad soo buuxiya khayriyada burco la sameeyey in ilaa xalaya saaka Hargeisa laga soo daabulo dad kamaraduhu qabtaan oo aan reer burco ba ahayn ee ujeedada laga lahaa tahay in la tuso dadka kale oo la yidhaahdo Muuse Biixi ayaa taageerayaal badan ku leh Gobolka Togdheer tan oo xaqiiqada ka fog marka aad shacabka reer burco hoos ahaan Iyo guud ahaanba u waraysato.
Safarka Muuse Biixi Iyo Waftiga uu hogaaminaayey ee uu xarunta gobolka togdheer caasimada labaad ee Somaliland burco ku yimi ayaan hore loo shaacin laakin waxaa la sheegay inuu yahay olale taageeroyaal loogu raadinaayo Musharaxa Xisbiga Kulmiye ee kaligii isu cimaamaday Muuse biix Cabdi.
Gobolka Togdheer ayaa ah mid muhiim u ah cid kasta oo rabta inay cod ka helaan Somaliland oo u haqal taagaysa Madaxwaynenimo waan gobolka labaad ee codka ugu badan laga helo marka laga yimaado gobolka Maroodi-jeex , ilaa hada Muuse Biixi ayaa ku wareersan tirada dad intee leeg uu ka helaayo Burco oo u codeeya sanadka danbe hadiiba doorasho dhacdo, waxaana xaqiiqo ah in shacabka reer Togdheer wax badan fahmeen oo aanay cid danbe dhayal dhayal ku dooranayn,madaama Magaalada Burco la aradantahy dayac baaxad leh oo wali ay ka sii muuqdaan diifihii faqashtu kaga tagtay.
Magalaada Burco malaha madaar wadooyin Wasaarado loo shaqo tago goobo ganacsi oo bulshado ka hesho shaqooyin waxaana dad keedii uga baxeen tahriib kadib markii ay ku hungobeen balo beena oo Xisbiga Kulmiye 8 sanadood ka hor ugu balan qaaday.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay