Shirkii Kismaayo ayaa xalay fashilmey, waqtigan aan qoreyno warkan oo saacada geeska Afrika tahay sadexdii galabnimo ma jiraan wax laysku afgartey waxana socda kulamo u dhexeeya Xasan Sheekh iyo kooxdiisa cusub oo uu ku jiro gudoomiyaha barlamaanka, iyo raiisal wasaaraha oo kolba dhinac ku Jira.
Waxa dooda weyn u dhaxaysaa XUBNO iyagu qaba in Daarood ahaan ama isbahaysi ahaan ay ku yaraan doonaan barlamaanka haddii lagu xulo nidaamka 4.5 waana Cabdiwelli Gaas iyo Axmed Madoobe.
Dhinaca kale waxa gooni taagan beelaha Digil iyo Mirifle oo iyagu sheegay in ay nidaamka 4.5 ku helayaan kuraas badan halka beelaha DIR ay iyagu qudhoodu kala jaban yihiin oo beesha dhexe iyadu rabto 4.5 halka kuwa kalana ku kala jiraan beelaha Hawiye iyo Daarood.
Iskugeyn Hawiye, Digil iyo Mirifle, iyo beesha shanaad iyo DIR ayaa u badan in ay ku dhergayaan nidaamka 4.5 halka Majeerteen iyo Ogaadeen iyagu isbidayaan in ay kuraas badan ku helayaan nidaamka deegaanka waayo ayay ku doodayaan siiba Puntland in ay leeyihiin laba gobol inkastoo taas lafteeda looga badan yahay oo haddii laysku raaco lafteeda loo baahan doono in laga heshiiyo.
Sheekada Aqalka sare ayay dhinaca kale Puntland iyo Jubba is leeyihiin kuraas badan ku hela inkastoo aqalka sare aanu wax faaiido ah u lahayn Somaliya oo uu yahay kaliya siyaasad waxbadso jufeed oo runtiina uu dastuur dhoodhoobka ku darsaday Faroole xilligii uu ku tamashleynayay fadhiid Sheekh Shariif.
Muranka ugu weyn ayaa ah in ayna jirin dan Somali ah oo ka dhaxaysa kooxaha meesha fadhiya oo kaliya ay tahay in weli cuqdad ay kala tabanayaan Hawiye iyo qaar ka tirsan Daaroodka sida Majeeerteen iyo Ogaadeen inkastoo sheekada Daaroodism ay hore u dhamaatey oo ay burburtey 1992.
Waxa kale oo Iyana soo xoogeysanaysa in kooxeysiga uu horkacayo Xasan Sheekh ay rabaan in xilka loo kordhiyo ilaa laba sano taas oo beesha caalamku hore u diidey.
Ma cadda ilaa hadda sida ay isku afgaran doonaan beelaha midba wato DANTIISA oo ujeedadu tahay in jufada kale ayna helin kuraas badan.
Madaxda Somalida ayaa jecel in loo ciyaaro markey timaado danta guudna ka meeraysta ama heli waaya xal sida doorashada 2016 oo xalkedu fududyahay. Sawirada hoose ayaa muujinaya sidey u dhegeystaan dadka talada siiya laakin ayna u dhegeysan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
![IMG_9386[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/01/IMG_93861.jpg)
![IMG_9392[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/01/IMG_93921.jpg)
![IMG_9465[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/01/IMG_94651.jpg)
![IMG_9526[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/01/IMG_95261.jpg)
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay