20/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Argagixisada shabaab oo sii daysay waraysi aan la xaqiijin Karin oo ay la yeelatay laba askari oo Kiiniyaana

Kadib weerar gaadmo oo argagixisada shabaab ku qaaday ciidamada Kiiniya ee deegaanka Ceelcade ee gobolka Gedo ayaa idaacad ku hadasha afka argagixisada ay waraysi la yeelatay waraysi ay ku sheegeen laba askari oo Kiiniyaana oo midna yahay 50 jir midna 38 jir waa sida ay sheegteena.

Argagixisada ma sii dayn wax muuqaala ama sawiro ah waxase la filayaa in maxaabiista la geeyay magaalada Buaale ee Jubadda dhexe halkaas oo bulshada ku nool ay dhibaatoi xoogleh iyo cagajugleyn ku hayaan.

Mid la waraysiga ku Jira ayaa u haysta in uu u gacan galay koox kala garanaysa xuquuqaha baniaadamka iyo kan askarta ee diinteenu ina fartey isagoo codsaday in laga sii daayo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS