Ruux u dhashay dalka Kiiniya ayaa lagu soo oogay dambi ah inuu baahiyay sawirada askartii lagu dilay deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo oo jimcihii lasoo dhaafay Alshabaab weerar qasaaro badan dhaliyay ay ka geysteen.
Ruuxaasi Kiiniyanka ah oo lagu magacaabo Eddy Reuben, ayaa kasoo muuqday maxkamad ku taala dalka Kiiniya, isaga oo beeniyay eedeymaha loo jeediyay waxaana la dhigay xabsi ciidamada ay leeyihiin.
Kenya ayaa waxii ka dambeeyay weerarkii ka dhacay deegaanka Ceel-cadde waxay soo saartay digniin ah inaan la baahin Karin qasaaraha ka dhashay weerarkaasi iyo sawirada askarta dowlada Kiiniya ee la dilay.
Mr Eddy, ayaa la sheegay in lagu soo oogay dambigaasi kadib markii la ogaaday in aalada WhatsApp-ka uu ku faafiyay sawirada askarta dowlada Kiiniya ee waxyeelada kasoo gaartay dagaalkii ka dhacay Deegaanka Ceel-cadde.
Dowlada Kiiniya ayaanan shaacin tirada askartii looga dilay deegaanka Ceel-cadde weerarkii ka dhacay Jimcihii lasoo dhaafay, waxayna kaga digeen dadka reer Kenya iney baahiyaan sawirada waxyeelada ka dhalatay weerarkaasi.
Alshabaab oo sheegtay masuuliyada weerarkaasi ayaa shaaciyay in ku dhawaad 100 askari ay ku dileen deegaanka Ceel-cadde ayna gacanta ku dhigeen askar Kiiniyaan ah iyo gaadiid dagaal.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay