23/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Diyaaradaha Kiiniya oo guuxooda markii la maqlo Gobolka Gedo dadku…

Ciidanka Dhulka iyo Diyaaradaha Dagaalka Kiiniya ayaa la sheegay inay sii wadaan Duqeymaha ay ku hayaan Fariisimadda argagixisada ku leeyihiin Gobalka Gedo, hal isbuuc kadib, weerarkii argagixisadu bishan 15-dii ku qaadeen Saldhigga Ceel-cadde.

Diyaaradaha Dagaalka iyo Helikoptarada Hubeysan ee Kiiniya ayaa la sheegay inay duqeeyeen Deegaanadda Daar iyo Cali Maraykanka oo u dhow Degmadda Baardheere, halkaasi oo ay Milliteriga Kiiniya sheegeen inay ku yaallaan Fariisimo ay argagixisadu leeyihiin.

Wargeyska The Star oo Warbixinta qoray waxa uu xusay in sidoo kale la duqeeyey Bartilmaameedyo ku yaalla Deegaanka Raaxoole oo ku-dhawaad 40-KM u jirta Degmadda Diinsoor iyo Tuullooyinka Qodqod iyo Ceel-gaduud oo ka tirsan Gobalka Gedo.

Dhinaca kale, Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka ee Gobalka Gedo ayaa ku eedeeyey Milliteriga Kiiniya inay dileen dad rayid ah oo ku sugnaa Deegaannadda la duqeeyey.

Guddoomiyaha Degmadda Garbahaareey, Nuur Maxamed Buraale ayaa sheegay in 10-qof oo rayid ah ku geeriyoodeen duqeyntii ugu dambeysay ee ay Diyaaradaha Kiiniya ka geysteen Gobalkaasi.

Dawlada taagta daran ee Xasan Sheekh Ayaan wali Kiiniya u sheegin in ay faraha ka qaado duqeynta dasdka Somaliyeed ee Gedo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS