Cudur si fudud loo qaado ayaa soo baxay iyo dumarka raba in ay uur qaadaan oo looga digey in ay uur qaadan inta cudurkani jiro halka ay ku noolyihiin. Cudurkan ayaa ka dilaacay qaarada Koofurta Amerika waxana laga qaadaa kaneecada.
Dalkaasi Baraasiil ayaa cudur hore uga dilaacay Yugandha oo loo yaqaan ZIKA uu hadda faraba’a ku hayaa waxana bani aadamka u tabisa kaneecada oo ku qaniinta.
Cudurkan ayaa haddii ay haweenadu uur leedahay keeni kara in ilmaha yar uu dhasho isagoo aan maskaxda si fiican uga korin sida aad ku arkaysaan sawirka hoose waxayna ku keentay dad badan walaac.
Ururada caafimaaka Baraasiil iyo dhamaan wadamada Koofurta Ameerika ayaa ka digey in haweenku u safraan goobaha uu xanuunku sida xun ugu faafay ama leh kaneecada faraha badan.
Ma jirto wax daawo ah waxase kaliya loo hortagayaa in la isticmaalo marokaneeco inkastoo dadka badankisu haysan taas isla markaana kaneecadu xataa duhurkii dadka cunmayso.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS

Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay