Magaalooyinka waaweyn ee gobolada Awdal ayaa maanta xaaladoodu degan tahay waxayse sanadii 1991 u ahayd maalin madow oo dhiigbadan ku daatey iyo magaalooyinka waaweyn oo haawanayay. Halkee dadkii tagey yaase daadiyay dhiiga badan.
Waxa xasuuq ba’an ka dhacay laga soo bilaabo Dilla ilaa Boorama ilaa Saylac waxana daadsanaa dad aad u farabadan oo ay si arxandaro ah u xasuuqeen jabhadii SNM ee uu madaxa ka ahaa Axmed Siilaanyo.
Cadaawada ay u qabaan gobolada Awdal waxay dabaabaadkii Mingeste ku xasuuqeen dad shacaba oo aan qoryo haysan isla markaana iska wata dantooda,,,waxayna dhimashadu gaaraysay in ka badan kun qof.
Waxay SNM si fiican u degtay Saylac ilaa maantana ka xoogsataa kuna dhibtaa dadka. Shalay oo ku dhaweyd maalintii xasuuqa waxa Saylac ka dhacay banaanbax ay dhigeen reer Awdal kadib markii Faysal Magafe oo Isaaqa oo lagu naasnuujiyo deegaanada Awdaluu isku dayay in uu xiro wado ay dadku ka aadaan kaluumaysiga sidaana ku giijiyo cunaqabataynta uu ku hayo.
Waxa taas ugu wacan iyadoo ay maqan tahay hogaan laga baqo oo reer Awdal leeyihiin haddii laga biqi lahaa dadkooda qaylinaya maalinkasta sidaa looguma tunteen.
Waxa maanta saxaafada u waramey dadkii lagu xasuuqey Boorama eheladii ka hadhey oo iyagu u muuqda in ay rabigooda uga hadheen. Waxase nasiib daro weyn noqotey in kii dadkooda sidaa u xasuuqey maanta loo kala badiyo,,,waliba mid ka mida kuwii xasuuqa ku faanayay sida Muuse Biixi uu u taagan yahay in uu xukumo kuwii uu xasuuqey.
Waxaa hubaala goor ay ahaataba in dadka reer Awdal oo aad u daacada IYAGUNA isku MAQAN ninkastana is LEEYAHAY kan kale ka cesho shilimaadka SIILAANYO ay garan doonaan waxa u dana oo ay tahay iyaga waxa isku haya halka ay higsanayaan.
HALKASTABA HALKEY IS DHIGTO AYAA LAGU GOWRACAA. Maanta dadkooda oo la cunaqabateeyay kamay doorteen in ay shilimaadka kii xasuuqey u kala badiyaan iyagoo waliba is qabiilaynaya.
Waxaan RABI u baryayaa dadkaa la xasuuqey in uu janadiisa fardowsa ka waraabiyo. Waxaan idinku dhaafayaa hees aan idiin soo xuley oo ka hadlaysa isku kalsoonida bulshada. (Qarsoodi wuu dhamaadee anagu quurso diidney) iyo fanaanka reer Awdal ee Timajilic AUN.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay