Maalin Maalmaha ka mid ah ayaa Nin Maskiin ah wuxuu Hadiyad ahaan ugu keenay Nabiga CSW, Xirmo Canab ah, markaas ayuu
Nabiga CSW, wuxuu Goo…stay Xabad ka mid ah Canabkii, wuuna Cunay, haddana wuxuu Goostay mid kale wuu Cunay, haddana mid kale
ilaa uu ka Dhameeyay Xirmadii Canabka ahayd. Ninkii Maskiinka ahaa isagoo aad u Faraxsan ayuu baxay.
Asxaabtii la joogtay Nabiga CSW, mid ka mid ah ayaa ku yiri Nabiga CSW:- Nabi Alloow sidee baad u wada Cuntay Canabka Adigoo waxna
inaga Siin?, markaas ayuu Nabiga CSW,yiri:- Canabka uu Ninka I siiyay wuxuu ahaa mid Qaraar waxaan Diiday inaan Wax idinka siiyo
oo marka aad Afka Gelisaan Wejigiinu Badalmo oo aad Sheegtaan ama aad Dareensiisaan inuu Canabku Qaraar yahay, oo uu markaa
Niyad Jab ku Dhaco, sidaas darteed ayaan u wada Cunay si aan Farxad ugu Muujiyo oo uusan Niyada uga Jebin Ninkaa Miskiinka ah.
Ilaahey ayaa siiyay nabigeena dabeecad iyo dulqaad badan wuxuuna yiri alle
وَإِنَّكَ لَعَلَىٰ خُلُقٍ عَظِيمٍ
Waxaana kuu sugnaaday (nabiyoow) dabeeco (fiican) oo weyn. Kusaliya nabigeena c.s.w looma soo dirin waxaan aheeyn raxamada (naxariista caalamka)
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay