November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Dhulgariir aad u xoogweyn oo ku dhiftey dalkaasi Taywaan: SAWIRO

Wararka ka imanaya dalkaasi Taywaan ayaa sheegaya in dfhulgariir aad u xoogan uu ku dhiftey koofurta dalklaasi halkaasi oo uu jiro khasaare nafeed iyo guryo dumey.

Ugu yaraan saddex ruux ayaa la sheegay in dhul gariirkan ku dhintaan, waxaana dadka dhintay ku jiray gabar jirtay 10-maalmood kaliya.

Kooxaha gurmadka ayaa dad badan ka soo saaray dhismayaasha hoostooda, iyagoo sidoo kale gabar yar ka soo dhex saaray dhismo bur buray.

Dhul gariirka ayaa waxaa uu dumiyay illaa 17 dabaq oo ku yaallay xaafado ku dhow Caasimadda Taiwan ee Tainan.
In ka badan 200 oo qof ayaa laga soo bad baadiyay mid ka mid ah dhismayaasha sida daran u bur buray, waxaana

kooxaha gurmadka isku dayayaan inay gaaraan dhismayaal laga cabsi qabo inay dad ku xayiran yihiin.
Dowladda Taiwan ayaa ku dhawaaqday xaalad deg deg ah, waxaana gurmadka ku soo biiray Ciidamada Milateriga.

dhul-garir-5[1]dhul-garir-4[1]

dhul-garir-1[1] dhul-garir-2[1] dhul-garir-3[1] dhul-garir-4[1] dhul-garir-5[1] dhul-garir-6[1] dhul-garir-7[1]

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS