November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

War laga naxo oo laga soo saaray diyaaradii Daalo ee qaraxu qabsaday

War laga naxo ayaa laga soo saaray diyaaradii Daalo ee qaraxu qabsaday usbuucii hore iyadoo mid kamida rakaabkii saarnaa uu daaqada ka baxay kuna dhacay duleedka Balcad oo ah dhul beeralay ah.

War uu sheegay wasiirka duulista Cali Jama Jangeli ayuu ku sheegay in wixii ka dhacay diyaarada uu ahaa bamb..Wuxuuna intaa ku daray in loogu talogaley in lagu khaarajiyo dhamaan dadka la socda.

Lama sheegin in ninka saarnaa diyaarada hadduu isaga ahaa ay ugu saamaxdey in uu la fuulo walxaha qarxa. Jangeli ayaa sheegay in dad laga shikisan lagu dabajiro.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS