November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Safiirada Ingiriiska u fadhida Muqdisho oo samaysay arin aan laga fileyn: SAWIRO

Safiirka dalka Ingiriiska ujoogta Dalka Soomaaliya Haweeneyda la yiraahdo Harriet Mathews ayaa waxay Shahoodooyin ku gudoonsiiyey Magaalada muqdisho Ciidanka sida gaarka ah loo tababaray ee katirsan Boolsika Soomaaliya.

Munaasabad ay ka qeyb galeen Saraakiil ciidan iyo Mas’uuliyiin katirsan Dawlada Soomaaliya ayaana Mrs Harriet Mathews ay kaga mahad celisay Shaqada ay ciidankaan uhayaan Shacabkooda iyo Dalkooda.

Waxa Danjire Harriet Mathews hareer taagnaa markii ay shahaadooyinka siineysay Ciidankaasi Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeral Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Ciidankaan shahaadooyinka lasiiyey ayaa waxa usoo dhamaaday tababar ay ku qaateen magaalada Muqdisho kuwaasi oo casharkii ay barteen laga sugayo inay Shacabkooda wax ugu qabtaan.

BH0A1606-768x512[1] BH0A1608-768x512[1] BH0A1629-768x512[1] BH0A1640-768x512[1] BH0A1642-768x512[1] BH0A1648-768x512[1]

BH0A1665-768x512[1]BH0A1608-768x512[1]BH0A1642-768x512[1]BH0A1640-768x512[1]BH0A1670-768x512[1]BH0A1640-768x512[1]BH0A1674-768x512[1]

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS