November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Ninkii bamku kula qarxay diyaaradii Daalo oo la soo bandhigey maydkiisa

Warbaahinta ARAABINEWS waxa la soo gaarsiiyay muuqaalka ninka lagu tuhunsan yahay inuu fuliyay qaraxii diyaarada Daallo oo laga helay beel banaan ah kana mida deegaanka Balcad. Ninkan ayaa markii u qarxay bamkii uu watay ay sababtey in diyaarada si nabada u gu soo noqoto garoonka Muqdisho.

Waxa hadda la baarayaa in ninkan si toosa ugu lug lahaa xasuuqa la rabey in lagu xasuuqo dadkii saarnaa oo Ilaahay ka badnaadiyay iyo in aanu ka warhayn waxa loo dhiibey oo ay dhici karto in la yiri gaarsii hebel.

Dawlada Somaliya ayaa ku guuleysatay in ay gacanta ku dhigto nin isagu qarxiyay nin uu adegsadey sida ay sheegeen hay’adaha sirdoonka. Waxa weli socota baaritaan la xiriira sida ay wax u dhaceen.

Caalamka ayaa ka dayriyay amaanka garoonka diyaaradaha Muqdisho iyadoo dhacdadani dib u dhigtey diyaaradihii caalamka ee imanayay.#

meeydka-ninkii-isqarxiyay[1]

 

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS