Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Muqdisho mku ogaadey hal arin oo uu muddo kala taliyay laakiin si jees jeesa dheg iyo jalaq loo siin. Xassan Sheekh waxa uu sheegay in dhoor jeer uu shacabka ka dalbaday inay la shaqeeyan laamaha amaanka, balse iminka ay u muuqaneyso inaan loo nugleyn taladiisa.
Waxa uu tilmaamay in dhibta ugu badan ay taabaneyso shacabka haddii ay la shaqeyn waayan laamaha amaanka ay iyaguna qeyb ka noqon doonaan dadka ay maleeshiyadu gumaadeyso.
”Waa dhif iyo khaliil weerar lala beegsadaa mas’uul ka tirsan Dowlada, waxaana cadeynayaa in ujeedka dhiigmiiradka shabaab uu yahay inay beegsadaan kaliya shacabka”
”Anagu waxaan awoodnaa inaan meel waliba kala soo baxno dhiigmiiradka shabaab, balse haddii aad shacabow tiina ka fakari weydaan argagixiso haka qeylinina”
Xassan Sheekh waxa uu tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay isugu jiraan kuwa fiican iyo kuwa dhiigmiiradka qarsada oo guryaha ka kireysta, balse taasi aysan socon doonin.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay