Sancada aduunka ee milatariga ayaa kolba la soo saaraa kuwo cusub inkastoo inta badan la cusboonaysiiyo kuwii hore ama lagu kordhiyo qalab cusub oo casriya sida kaamarooyin ama qalabka ku shaqeeys dhaqaaqa. Hadaba waxaan maanta ka hadlayaa qalab hore u jirey laakiin la casriyeeyay.
Waa qalab loo yaqaan MIDIDA marka aad eegto sida loo sameeyay iyo waliba waxa uu qaban doono iyadoo hawsha loo dirayo ay tahay mid cadowga tireysa weerar uu soo qaadi lahaa.
MIDIDA ayaa hore u jirtey waxase xilligii hore loo isticmaali jirey kaliya in lagu qodo dhulka waliba dhufeysyada deg dega halka hadda lagu kordhiyay in ay wadooyin dhan ka dhigi karto kuwo aan cadowgu isticmaalin muddo saacad kayar.
Waxa kale oo MIDIDAN qodi kartaa ama qaadi kartaa ciid gaaraysa 300 oo tan saacadiiba taas oo ayna jirin qalab u dhigma aduunka. Runtii waa qalab ku fiican dalkeena inkasta oo ayna jirin awood lagu iibsado waxase danaynaya wadamo waaweyn.
Midka kale waa gaari NISSAN ah oo Jabaanku ugu talogaley in uu barafka dhib la’aan socdo waxana xoog looga iibsan doonaa wadamada Yurubta iyo Amerika ee barafku dishadey.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
![BBpq1pI[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/02/BBpq1pI1-300x162.jpg)
![BBpnTZQ[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/02/BBpnTZQ1-300x200.jpg)
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay