Iyadoo ay soo baxayaan faahfaahin ku saabsan ninka la tuhunsan yahay inuu isku qarxiyay diyaaradda Daallo ee 2-dii bishan shil qarax ah ku qabsaday hawada Muqdisho ayaa xog cusub lagu ogaaday oo ku saabsan ninkan lagu magacaabo Cabdullaahi C/salaan Boorle.
Ninkan ayaa la sheegay inuu qorshuhu ahaa inuu raaco diyaradda Turkish Airlines ee marinkeedu ahaa Muqdisho-Jabuuti, waxaana la yaab leh xogtan oo sheegeysa in tikidhka uu ninka is qarxiyay diyaaradda ku raacay laga jaray ama laga iibiyay magaalada Luwanda ee dalka Angola.
Arrintan ayaa ka yaabisay saraakiisha baareysa kiiskan iyo madaxda dowladda, waxaana qarxinta diyaaradda Daallo ahayd qorshe cajiib badan oo si aan hore loo arag muddo dheer loo laga soo shaqeynayay, waxaa kaloo la yaab leh in tikidka Cabdullaahi Boore lagu bixiyay lacag caddaana sida Afrka caadiga ah.
Kiiskan oo ilaa hadda meelo badan salka la galay ayaa waxaa sii kordhaya silsiladaha iyo dadka tooska ugu lug lahaa iyo kuwa la adeegsaday, waxaana khubarro arrintan ka hadashay ay sheegeen in arintan u muuqato mid ay ku lug leedahay Daacish, kiiskuna xiriiro min Turkiga ilaa Angola iyo Somalia.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay