24/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Xasan Sheekh oo madaarka kaga hortagey xulkii 11 sano jirada oo dalka ku soo laabtey: SAWIRO

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh ayaa madaarka Muqdisho kaga hortagey ciyaartowda xulka qaranka 11 sano jirada ee Soomaaliya oo dalka Qatar ugu qeybgalay tartanka kubadda cagta ee dugsiyada wadamada Jaamacadda Carabta oo maanta ku soo laabtay dalka.

Madaxweynaha ayaa waxa weheliyay wasiiro, xildhibaano, maamulka gobolka Banaadir iyo mas’uuliyin kale.

Wasiiro dowlaha waxbarashada ee xukuumadda Soomaaliya C/laahi Bile Nuur, oo kamid ahaa mas’uuliyiinta garoonka ku soo dhaweeyay ciyaartowda ayaa warbixin ka sii madaxweynaha sida wasaaradda ay u ababushay dhalinyaradan Soomaaliyeed isla markaana guulo ka soo hoyay.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in ay si aad ah u soo dhaweynayaan talaabada wasaarada waxbarashada ay sameysay, isagoo sheegay in Iskuulka ardaydan wax ka bartaan uu aasaasay sanadkii 1996.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhiirigelin intaan ka badan ay u sameyn doono ciyaartowda xulka qaranka isla markaana aad ugu faraxsan yahay wacdarihii ay ka dhigeen tartankii Jeem Cup ee dalka Qatar lagu qabtay.

Intaas kadib ciyaartowda ayaa koo soo gelbiyay xarunta Akadeemiyadda Cilmiga Fanka iyo Suugaanta, waxaana halkaasi loogu qabtay xaflad soo dhaweyn aheyd.

Xafladda ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiinta wasaarada waxbarashadda, waalidiin, qaar kamid ah ardayda wax ka barata dugsiyada hoose ee magaalada Muqdisho iyo dadweyne aad u badan.

Kooxda Iftiin ee wasaaradda waxbarashada ayaa goobta ku soo bandhigay suugaan lagu dhiirigelinayay xulka 11 sano jirada ee Soomaaliya

3-9[1]4-5[1]

01[1] 1-12[1] 3-9[1] 4-5[1]