November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Muran aan ku waynayn Saylici laakiin ku weyn Muuse Biixi oo ka dhex qarxay

Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi Iyo musharax ku-xigeenkiisa C/raxmaan Saylici ayaa markale khilaaf ka dhex curtey xili ay ku sugnaayeen todobaadkii hore magaalada Boorama, waxaana la sheegay inuu ka unkamay ka dib markii ay degeenada Gobolka Awdal kala kulmeen guuldarro siyaasadeed.

Oo aad u xanuun badan,taas oo ku habsatey musharax madaxweyne ee Xisbiga KULMIYE Muuse Bixii iyo Saylici, isla markaana dhalisay inay labadaa masuul isku riix-riixaan guuldaraasi oo uu midba midka  kale eedeeda dusha uga tuuray.

Wararka laga  helayo khifaaka ka dhex alloosan Kornayl Muuse iyo Ingineer Saylici, ayaa cirska isku shareeray, isla markaana waxay masuuliyiinta kale ee Xisbiga KULMIYE isku dayeen intii Boorama lagu sugnaa inay heshisiyeen labadaa masuul oo ay arinka xal nabadeed ku soo dabaalaan,

Balse markii uu mid waliba eeda guuldaradii ay la kulmeen Awdal  iskaga riixiyey ka kale, iska markaana ay mawqifyadoodii ka soo debciwaayeen ayaa uu ka sii daray khilaafkaasi,

Kaas oo xataa dhaliyey inay Saylici iyo Muuse magaalada Boorama midba meel ka mushaaxo, waxaanay noqdeen sidii rag aan  dan wada lahayn,

Taas gaadhay heer uu Muuse Biixi wafti gaar ah kala hoggaamiyo Boorama oo uu degaanada  gobolka Awdal soo wada maro ilaa Lawyacaddo,waxaanu kala kulmay Muuse iyo weftigii la socday deegaanada mudaharaado lagu diidanyahay Xisbiga KULMIYE,

Kuwaas  oo ku riday niyad jab weyn ,halka uu Saylicina isna wefti kale ka hoggaamiyey Boorama oo uu u baxay inuu kormeer ku soo sameeyo degaanada hoos yimaada sida Baki ,

Waxaana xusid mudan inuu Saylici oo degaankaa  dhalasho ahaan ka soo jeedaa  uu kala kulmey guudarada Muuse Biixii  mid lamid ah ,taas oo aanu ku farxin,kuna  abuurtay niyad jab iyo calool xumo,taas oo sababtay inuu deg deg ugu soo laabto Hargeysa,isla markaan uu soo gaabiyo socdaalkiisii.

Dhanka kale Muuse Biixi ayaa soo noqonkiisii aan Boorama soo marin laakiin hoygiisa Hargeysa toos u yimi. Waxa jirey arin ku wayn Muuse Biixi laakiin Saylici oo ahayd in uu booqdo dadkiisa abaaruhu riteen ee aanu waxba u qaban, halka Muuse Bixi isku dayaayay in u yiraa anaa wax uidiin qaban.

Deegano Saylici ku abtirsado ayaa beesha Muuse Biixi weerar ku qaadey waana aruin ku weyn Muuse Biixi halka Saylici ay la tahay arin uu is leeyahay waa la dhamayn.

Isku soo wada xoorriyoo khilaafkan ka dhex curtey Saylici iyo Muuse Biixi ayaa sabab u ahaa inuu Xisbiga KULMIYE guuldaro kala soo caraabo gobolka Awdal,waxaana la sheegayaa inay hadda madaxtooyadu ku hawlantahay in la heshiisiiyo labadaa Masuul,taas oo ay xukuumadda hadda samaysay isku shaandhayn ay Muuse taageero uga raadinayso gobolka Awdal oo loogu magacaabay hadda wasiirka duulista oo ka soo jeeda deeganada Awdal.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS