Dhulgariir lagu qiyaasay xoogiisa 7.8 ayaa ku dhuftey dalkaasi Indooniisiya oo inta badan ay haleelaan dhulgariiro ka yimaada badda oo keeno in badda hoosteeda dhulku dilaaco. Wararka ayaa sheegaya in ayna jirin wax khasaaro.
Xudunta dhulgariirkan ayaa ahaa badda meel masaafo dheer u jirta magaalada Padang. Dadka magaaladaasi ayaa sheegay in dhulgariirkan aad u xoogweynaa oo gidaaradu aad u ruxmeen.
Wadamada Austareliya iyo Indoonsiya ayaa kiciyay digniinta loo yaqaan Sunaami oo macnaheedu yahasy in laga dareero dhulka xeebaha iyo waliba in goobo faaruqa la isugu tago.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay