Diyaarad laga leeyahay Imaaraadka ayaa ku tartamaysa khadka ugu dheer ee diyaaradi u socoto inta ay ka duusho wadankeeda ilaa ay gaarayso wadanka kale. Waxa sanado hore ugu dheeraa khad ay mari jirtey diyaarada Singapore Airline oo ahaa khadka Singapore-New Jersey (USA) oo diyaarada la saarnaa 19 saacadood.
Singapore Airline way joojisey khadkaas waxaty dib u bilaabaysaa sanadka aakhirkiisa. Waxa kale oo jirey diyaarada laga Austareliya ee Qantas oo iyadu mari jirtey khadkale oo dheer oo ahaa Sydney-DallasĀ (USA).
Diyaarada Imaaraadka ee Emirate ayaa bilaabeysa khad aad u dheer noqona doona khadka uGu dheer aduunka hadda oo noqonaya mid u dhexeeya Dubai-Auckland(New Zealand) oo la fuushanaan doono 17 saacadood iyo 15 mirir.
Waxase kaas ka sii darnaan doona mid isla Emirates ay bilaabi doonto aakhirka bishan oo isku xiri doona Panama iyo Dubai oo toosa loona socon doono 17 saacadood iyo 35 mirir.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay