November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Wararkii ugu dambeeyey maamulada Puntland & Galmudug oo Caawa dagaalamay

Wararka laga helayo Galbeedka Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Dagaal u dhexeeya Labo Maleeshiyo oo ka soo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug ay isku Faro saareen Degaanka Saaxo Ee Dhaca Galbeedka Mudug.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu Salka ku hayo Lahaanshaha Degaanka Saaxo Ee Gobolka Mudug,waxaana Wararku ay intaa ku darayaan in Maamulka Puntland uu Guddoomiye u Magacaabay Degaankaasi islamarkaana Galmudug ay ka hortimid Magacaabista Guddoomiyaha sidaana dagaalku ku dhacay.

Waxaa Dagaalkaasi ka dhashay Dhimasho iyo Dhaawac soo kala gaaray Maleeshiyaadka ,iyadoo aan la ogeyn wali Tirada Dhimasho iyo midka dhaawac inta uu la eg yahay.

Maamulada Puntland iyo Galmudug wali kama hadlin  dagaalka ka dhacay degaanka Saaxo ee Galbeedka Gobolka Mudug.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS