November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Haweenay lagu qabtey ilmo yar oo ay ku qarisay shandad: sidee wax u dhaceen

Haweenay ku socotey dalkaasi Faransiiska ayaa lagu qabtey ilmo yar oo ay si qaldan u dhoofinaysay. Haweenaydan ayaa ka soo duushey dalkaasi Turkiga una socotey Faransiiska oo ay iyadu degan tahay kuna nooshahay sida caadiga ah. Madaarka Turkiga ayaan waxba laga dareemin.

Haweenaydan oo aan magaceeda la sheegin ayaa ilmo yar ku soo riday shandad ah nooca lagu qaato gacanta, ilmahan yar ayaa lagu sheegay afar jir gabadha oo ay haweenaydan Faransiiska ah ay rabtey in ay korsato. Ilmahan ayaa ay ka soo qaadatey dalkaasi yar ee fiqiirka ah ee Hayti ee ku yaal Koofurta Amerika.

Haweenayda ayaa isku dayday in ay la korto ilmaha yar diyaarada maadaama ayna tigidh wadanin waana loo diidey kadibna waxay goosatey tigidh kale magaalada Istanbul, waxayna ilmaha ku qarisey shandad ay ku qaadatey gacanta lama garan karo sida loo arki waayay.

Waxay la fuushey diyaarada kadib diyaaradii ayaa la duushey waxase dhacdey in ilmihii yaraa u baahato in ay kaadi tagto. Safka ay fadhidey haweenayda safka ka dambeeya waxa fadhida haweenay ay isla ogyihiin maadaama ilmaha ay dhigatey lugaheeda hoosteeda ama kursiga ay ku fadhido hoostiisa.

Safka iyada ku beegan dadkii saarnaa ayaa dareemay dhaq dhaqaaq waxayna wargeliyeen shaqaalaha diyaarada. Shaqaalihii diyaarada ayaa u yimi waxayna fureen baagii ay sidatey mise waa gabadh afar Jira.

Haweenayda iyo gabadha yar ayaa hadda waxa lagu hayaa madaarka Charles de guile ee caasimada Paris. Hay’adaha amniga ayaa arintan ka khalkhalay waxayna sheegeen in ayna haweenaydan ku soo oogi doonin dambi.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS