November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

“Cirro waa ninkii Cali Xaamud Jibriil ku yiri madaxa ayaan kaa toogan, shalayna anigaa [Cirro]….

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Feysal Cali Waraabe

“WADDANI-yoow Basar Xumada Haddaydaan Joojinin, Cirro Dalka Qas Buu Gelinayaa… Miyaa La Illaaway Tii Uu Wasiirka Ku Yidhi?”

Khilaafkii ugu adkaa ayaa ka dhex qarxay hoggaanka sare ee xisbiyada mucaaridka UCID  iyo WADDANI, waxana xarunta Komishanka Doorashooyinka Somaliland soo gaadhay warqad dacwad ah oo uu xisbiga WADDANI ku sheegay in Guddoomiyahooda loogu hanjabay in la toogan doono. Qoraalka uu xisbiga WADDANI gaadhsiiyey Komishanka doorashooyinka waxa ay ku sheegeen in gudoomiyaha Xisbiga UCID  Eng. Faysal Cali-waraabe uu   toogasho   ugu hanjabay Guddoomiyahooda Mudane Cirro, isla-markaana  hajabaadaasi ka dhacday xarunta Komishanka dhexdeeda, waxana ay  hay’adaha ammaanka ugu baaqeen inay arrintaas wax ka qabtaan.cirro

Guddoomiyaha UCID Oo Isla Shalayba Ka Jawaabay Dacwadda WADDANI

 Guddoomiyaha UCID  Eng. Faysal Cali-waraabe oo dacwaddaas jawaab ka bixiyey, Ayaan meesha ka saarin in dilka guddoomiye cirro uu afkiisa kasoo baxay, waxase uu xusay in arrintu sabab leedahay.

Faysal Cali waraabe waxa uu guddoomiye CIRRO ku eedeeyey inuu hore hanjabaad dil ah ugu geystay wasiirka xidhiidhka golayaasha Md. Cali Xaamud Jibriil,   “Cirro waa ninkii ku-xigeenkiisii feedhay, wasiirka Xidhiidhka golayaashana markii Awdal olaluhu ka socday waa ninkii  ku yidhi madaxaan kaa tooganayaa, shalayna meesha waanu fadhiisanay, waxana aan idhi Cirro iyo dadkan daba yaacaya haddaan xeer na kala saaraa iman waan toogan doonaa anigaa idhi, waana haddii aan sharci jirin” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.faysal cali waraabe

Guddoomiye Faysal waxa uu sheegay inuu marka hore si guud u hanjabay, balse markii dambe uu si gaar ah WADDANI ugu ekaaday, isagoo su’aal geliyey halka la dhigay dilkii uu hore guddoomiye cirro ugu hanjabay wasiirka xidhiidhka golayaasha, waxana uu yidhi,

“Waxa la igu yidhi guddoomiye intaas ka reeb, waxanse idhi WADDANI-yoow haddaydaan basar xumada joojin waa in xeer lasoo saaraa, laakiin tii uu wasiirka ku yidhi madaxaan kaa tooganayaa miyaa la ilaaway.

Immikana waan ku celinayaaye haddii aan sharci la keenin Cirro dalka qasbuu gelinayaa” Somaliland waxa ka socota diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka, waxana xisbiyada qaar kamid ahi ku hawllan yihiin olaleyaal ay taageerayaashooda ku wacyigelinayaan inay qaataan kaadhadhka codbixinta, waana arrinta xudunta u ah khilaafka haatan cakirmay.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS