24/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Booliiska Talyaaniga oo xabsiga dhigay Imaam Soomaali ah oo loo heysto Arin halis ah

Booliiska dalka Talyaaniga ayaa waxaa la sheegay inay xabsiga dhigeen Imaam Soomaali ah oo lagu soo eedeeyey inuu damacsanaa inuu Qarxiyo xarunta Tareenada laga raaco ee magaalada Roma ee dalkaas Talyaaniga.

Imaamka Soomaaliga ah oo aan magaciisa la shaacin laakiinse lagu sheegay inuu yahay 22 sano jir ayaa waxay booliisku ay xabsiga u taxaabeen dhawaantaan ayagoona ka qabtey xero qaxooti oo ku taala magaalada Campobasso dalkaas Talyaaniga, Imaamkaan ayaa waxaa lagu eedeeyey inuu ereyo naceyb ah uu dhalinyarada kaamkaas ku faafinaayey islamarkaana uu faraayey inay ku jihaadaan gaalada oo laga bilaabo dalka Talyaaniga ka dibna loo dhaadhaco oo la caawiyo walaalaha ka dagaalamaayo dalka Siiriya, Imaamkaan ayaa Qorshihiisa lagu sheegay inuu damacsanaa inuu qarxiyo xarunta Tareenada ee magaalada Roma ee dalkaas Talyaniga.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS