Wararka ka imaanaya degaanka Garacad ee Gobolka Mudug oo ay Shalay maqribkii ay la wareegeen argagixisada shabaab ayaa wararku sheegayaan in saakadii hore intii aan cadceedu soo bixin ay ka hulaaleen Garacad.
Dad Goobjoogeyaal ayaa sheegay in dhiigmiiradku ay ka baxeen Magaalada kuwaas oo aan wali la ogeyn halka ay ka Aadeen Garacad.
Dhiigmiiradka Shalay la wareegay Degaankaas ayaa ku yimid ilaa Lix Doomood oo dhanka Badda Koofureed ay ka soo galeen.
Sidoo kale dhiigmiiradka halkaa gaaray ayaa xalay Dadka iskugu yeeray, oo u sheegay in Magaalada ay ka sii gudbayaan,waxaana ay intaa ku dareen in ay la dagaalamayaan Ciddii Qori lagu Arko.
Dadka deegaanka oo xoriyad haystey ayaa in saacado ah laga qaaday xoriyadii. Puntland ayaa ku dhow in ay soo aadaan Garacad.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay