November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Argagixisada weerartay deegaanada Puntland oo la ogaadey qabiiladooda

Akhriso Magacyada iyo Qabiilada Rag Puntland u dhashay oo hogaaminaya argagixisada duulaanka ah. Magacyada iyo qabiilada ay kasoo jeedaan dhowr nin oo hogaaminaysa xoogagaan argagixisada ah, raggaan ayaa qaarkood si weyn loogu yaqaanaa argagixisonimada muddo tobonaan sano ah.

Baaritaanka aan samaynay welina aan ku dhex jirno waxaan si horudhac ah u ogaanay in raggaan hoos ku qoran ay hogaaminayaan duulaankaan Puntland lagu soo qaaday.

1:- Siciid Karatee ( Majeerteen, Maxamuud Saleebaan, Ciise Maxamuud).

2:- Xassan Takar ( Daarood, Leelkase) Ninkani waa nin qurbaha ka yimid, waxaana jiray wiil uu isagu dhalay oo ka tirsanaa argagixisada Alshabab oo Dowladda Puntland toogatay waqtigii xukuumaddii Madaxweyne C/raxmaan Faroole, ka dib markii lagu helay falal argagixisonimo gaar ahaan inuu Galgala ka dagaallamay oo ku lug ahaa dad la dilay,  Xasan Takar waxaa uu ka tirsanaan jiray ururkii Al-Itixaad Al-Islaami, waxa uuna ka soo baxay Jaamacada Madiina Al-Munwara ee Sucuudiga, wuxuuna ka mid yahay raga u fatwooda Kooxda argagixisada ah ee Alshabaab.

3:- Jaamac Cabdi Salaan (Majeerteen, Cumar Maxamuud), waa ninka ugu da’da weyn, waana ninkii u qaabilsanaa Maxaakimtii Islaamka deegaanada Puntland, waxa uuna ka tirsanaan jiray ururkii bur-buray ee Al-Itixaad Al- Islaami ee dagaalada ka galay Puntland sanadkii 1992.

4:- Cadowyo Qowtalax (Majeerteen, Cumar Maxamuud).

5:- Nin magaciisa lagu soo koobay Ilqayte oo ah (Majeerteen, Cumar Maxamuud).

Sidoo kale baarista waxaan ku daba joognaa in Fu’aad Shongole( Daarood, Yuusuf daarood, Awrtable) uu ka mid yahay ragga hogaaminaya xoogagaan hubaysan ee Argagixisada ah, ilo xog ogaal ah ayaa noo sheegay in muddooyinkii dambe Fu’aad Shongole uu ka baxay alshabaab uuna ku biiray Kooxda Daacish.

Ragga yaqaanada deegaanada iyo dabeecadda Puntland ee isir ahaan kasoo jeeda Puntland waxay sahli kartaa in kooxahaan ay gaaraan meelo badan oo qorshahoodu yahay, haddii aysan dowladda Puntland si dhaqso ah uga hortagin waloow mar horeba Puntland ay guluf colaadeed ku ekaysay meelaha laga sheegay inay ku sugan yihiin dagaallameyaashaan Argagixisada ah.

Si kastaba ahaatee waxaa hadda shacabka Puntland ay dhagta u taagayaan bal waxa dhexmara Ciidamada Difaaca Puntland iyo xoogagaan hubaysan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS